Alshabab oo La Wareegtay Gacan Ku Heynta Deegaanka Goofgaduud ee Goblka Bay

0
43

Dagaalyahano ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay kooxdan inay deegaanka kula wareegeen si nabad ah, kaddib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi.

Al-Shabaab ayaa horey u qabsatay tuulada Goofguduud Shabeelow oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Diinsoor.

Maamulka koonfur galbeed ayaan weli ka hadlin la wareegida alshabab ay la wareegtey deegaanka goofgaduud.