Gudoomiyaha Gobolka Banadir oo Gudiga Xududaha kala Hadley Sidii Degmada Afgooye iyo Balcad Loogu Soo Dari Lahaa Gobolka banadir

0
121

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka doorka ay ka qaadanayaan federaaleynta dalka, gaar ahaan sidii bulshadu u noqon lahayd kuwa faham u leh hannaanka federaalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay ahmiyadda ay arrimahan u leeyihiin wadatashiga dadweynaha, si go’aanada la qaadanayo u noqdaan kuwa ku saleysan rabitaanka bulshada.