Ciidanka Ammaanka Dowladda Federaalka oo Qarxiyey Miino Dhulka Lagu Aasay

0
30

Wararka inaga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka ammaanka dowladda federaalka ay qarxiyeen miino lagu aasay meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Bakaaraha.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen ciidanka oo ku hawlan sidii ay u qarxin lahaayeen miinada halkaasi lagu aasay in koox hubeysan ay ku tuurtay bambo gacmeed.

Waxaa la sheegay inaanay khasaare ka dhalan miinada ay qaxriyeen ciidanka balse bambada ciidanka lagu tuuray uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah, kaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxayna rasaas ku kala eryeen shacabkii halkaasi joogay, iyaga oo intaasi kadib sameeyay baaritaan aanay jirin wax ka soo naaso cadaaday.