Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka dalbaday Ciidanka Liyuu Boolis oo dhowr jeer lagu eedeeyay in ay geysteen tacadiyo kala duwan in ay ilaaliyaan Xuquuqda Aadaanaha.
Waxaa ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasto oo xadgudub u horseedi karto shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa Cidii xad gudub sameysa in uu ka qaadi doono tilaabo waafaqsan Sharciga.
Mustafe Cumar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda.
