Diyaarad Ku Dhacday Koonfurta Suudaan

0
260

Inta la xaqiijinayo 17 ruux ayaa ku dhimatay Axadii maanta kaddib markii ay bur burtay diyaarad ka duushay Garoonka diyaaradaha magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan kuna sii jeeday magaalada lagu magacaabo Yirol.

Saddex ruux ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyay diyaaradaha, halka labo ruux kalana la la-yahay, dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa ka mid ah dhakhatar u dhashay dalka Talyaaniga oo uu soo gaaray dhaawac culus.

Saddex ka mid ah guud ahaan rakaabka diyaaradaha oo ahaa 22 ayaa la sheegay in ay carruur ahaayeen, sida ay goob joogayaal sheegeen.

David Subek, oo ah madaxa laanta socdaalka Koonfurta Sudan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay bur burka diyaaradan.