MADAXWEYNIHII BEDALI LAHAA SHARIIF XASAN OO ISA SOO SHARAXAYO.

0
61

Doorashadii Dawlad-Goboleedka K/Galbeed ayaa timid, tartan adag ayaa bilowday, legdin iyo loolan culus ayaa u dhaxeeyo musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dawlad-Goboleedkaasi, rag iyo hablo ayaa horey u soo qadimay musharxnimadooda, qaar kale oo cusub ayaa iyaguna la filayaa inay maalmaha soo socda isa soo sharaxaan.

Musharax in muddo ah la dhawrayay ku dhawaaqista musharaxnimadiisa ayaa lagu wadaa  inuu dhawaan si rasmi ah u soo bandhigo musharaxnimadiisa, Magac ahaan musharaxaan sida balaaran loo  xiisaynayo waa Eng. Maxamuud Maxamed Bono, waa aqoonyahan iyo siyaasi caan ah oo  kalsooni weyn lagu qabo,  waaya aragnimo, karti, heybad, waddaninimo iyo deganaan ayuu macruuf ku yahay.

Tixgalin, sharaf iyo qiimo aan la soo koobi Karin ayuu ku dhex-leeyahay ummaddiisa, Laab la-kac, boos xerasho  siyaasaddeed iyo  taariiqda ha kuu gasho inaad mar-uun Madaxweyne isu soo sharaxday midna kama aha, ujeedadiisu waa sidii uu shacabkiisa uga hogaamin lahaa isbadal loo aayo, ku tala-galkiisu waa inuu horseed ka noqdo hannaankii lagu heli lahaa Amni la isku haleyn karo, Xasilooni siyaasadeed, Caddaalad loo siman yahay, Caafimaad hufan, Waxbarasho tayo leh iyo Horumar dhan walba leh.

Siyaasigaan ruug-caddaaga ah  waa muwaadin ALLE uu jecel yahay dadkiisana ay jecel yihiin, taageerayaal aad u fara badan ayuu ku leeyahay Tuuloyinka Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed oo dhan, Saadaal hordhac ah oo la sameeyay ayaa ifinaysa Eng. Bono  inuu noqon doono Madaxweynihii badali lahaa Madaxweynaha K/Galbeed ee haatan waqtigiisa uu dhamaaday.

Musharaxa loo badinayo inuu yahay Madaxweynaha soo socda ee K/Galbeed  waa xilkas saaxiib dhaw la ah guud ahaan beesha caalamka gaar ahana Dawladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Wadanka oo idil, taariikh ahaan waa maamul yaqaan astaan ay u tahay shaqo-abuur, Qarran jaceyl  iyo  hufnaan aan caadi aheyn,  sifooyinkaasi wanaaga badan  ayaa musharaxaasi u suura galinaya in loo coddeeyo si uu ula wareego xafiiska ugu  sareeya ee Dawlad Goboleedkaasi, Hubaashi waxaa lagu rajo weyn yahay haddii uu guuleysto musharaxaasi inay K/Galbeed  cagaheeda isku taagi doonto ALLE idinkiisa.

Eng. Maxamuud Maxamed Bono waa halyey u soo halgamay Dadkiisa iyo Dalkiisa, waa mutacalim dhinac kasta ka dhisan, adeegyo isugu jira  Dhismayaal, Samafal iyo Horumarin ayuu bulshada ku abtirsata deeganada K/Galbeed  u soo sameeyay, amaan iyo Duco ayay dadkiisu saacad walba  lala daba taagan yihiin.

Rajada reer k/galbeed  wey soo ifaysaa waxayna ku xeran tahay inuu isbadal dhaco, yididiilada ay qabaan reer Koonfur Galbeed  waxaa  rumeyn kara musharaxa xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedkaasi  Eng. Maxamuud Maxamed Bono, guushu wey soo carfaysaa, toddobaadyo kooban kadib  waxaa la jecel  yahay inuu musharaxaan ku soo baxo Madaxweynaha cusub ee K/Galbeed ee Afarta sanno ee soo socota haddii uu ALLE idmo.

 

Xasan Maxamed