Hey’ada Xuquuqda Aadanaha oo Soo Dhaweysay Xarigii Cabdi Maxuud Cumar

0
47

Iyadoo maalintii shalay xabsiga la dhigay madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa arintaa markii-ba si deg deg ah uga jawaabtay hay’adda Xuquqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo soo dhaweysay xariggiisa.

Hay’adda ayaa horay Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciidamada Liyuu Booliiska ee gobolka ku eedeysay in ay ku kaceen gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waxaana ay ka codsatay dowladda dhexe ee Itoobiya in arintaa tallaabo deg deg ah laga qaado.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in masuuliyiintii hore ee DDSI iyo ciidamada ay dil iyo jirdil u gaysteen dad rayid ah, midaasina lagula xisaabtamayo, cadaaladana loo horkeeni doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si aad ah ugu xirnaa xukuumaddihii hore ee Itoobiya, Taasoo u sahashay in uu dembiyo badan oo hada loo heysto geysto.