Jabhada Oromada ee OLF iyo Dowlada Itoobiya oo Heshiis Ku Kala Saxiixday Magalada Asmara

0
155

OLF ayaa magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea heshiis nabadeed kula saxiixatay dowladda Itoobiya, colaadda u dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLF ayaa sababtay in kumannaan qof oo Oromo ah ay dalka isaga qaxaan.

Guddoomiyaha OLF Da’ud Ibsa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya hawlahooda siyaasadeed ay si nabad ah ugu qabsan doonaan gudaha dalka Itoobiya.

Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya, OLF ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi, kadib markii xukunka dalkaasi uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali oo la yimid isbadal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada dalkaasi Itoobiya.