Ciidamada Dowlada iyo Amisom oo Alshabab Kala Wareegay Deegaanka Gaaywarow ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
163

Ciidanka Dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa la sheegay in Al Shabaab kala wareegeen Deegaan Hoostaga Degmada Qoryooleey Ee Gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom ayaa weerar dhinacyo ku qaaday deegaanka Deegaanka Gaaywaroow ee ka tirsan gobolka shabelaha hoose halkaasoo la isku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidanka AMISOM ayaa Madaafiic ku garaacay Deegaankaasi oo Shabaab Fariisimo ku lahaayeen, Taasoo markii dambena keentay in Shabaab iskaga baxaan.

Sargaal katirsan Ciidanka Dawlada oo ku sugan degmada qoryooleey ayaa sheegay inay kala wareegeen Al Shabaab Gaaywaroow oo Ciidankooda iyo kuwa AMISOM hadda kusugan yihiin.