Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadley weerarkii alshabab maanta ku qaaday wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegay in gebi ahaanba lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, waxaana uu tilmaamay in Caafimaad dibadda ah loo qaadi doona dadkii maanta ay waxyeelado soo gaartay ee aan dalka wax looga qaban karin.
