Ciidamo Ka Tirsan Alshabab oo Maanta Weerarey Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha

0
165

Dabley loo maleynayo in ay ka kooban yihiin ilaa saddex ruux ayaa gudaha u gallay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalla Taalada Sayidka xaruntii hore Oto oto oo duhurnimadii maanta ay weerarreen Al-shabaab.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada amaanka ku howlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa howlgalka wasaaradda arrimaha gudaha ee Oto Oto.

Dadka wax- yeelladu ka soo gaartay weerarka ayaa waxaa ka mid ahaa ciidamadii Ilaalada u ahaa xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha oo sidoo kalana ay ku shaqeyso Wasaaradda Amniga.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana warar lagu qoray baraha internet-ka lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda.

Xiliga uu weerarkan dhacayay xarunta wasaaradda kuma aysan sugney Wasiirrada labada Wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo Amniga, hasse ahaatee waxaa si caadi ah u socday howlaha Wasaaradda.