Alshabab iyo Amisom oo Maanta Ku Dagaalamay Wadada Isku Xirta Afgooye iyo Muqdisho

0
54

Dagaal culus oo isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ayey xalay Al-shabaab ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM meel ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga VOA ayaa sheegay in Al-shabaab weerar ku qaadeen gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM oo ka soo laabtay deegaanka Bali-doogle ee saldhig u ah ciidamada dowladda.

Cabdifitaax ayaa intaa ku daray in ay jirto dhimasho badan laakiin aan la xaqiijin karin inta ay la eg tahay dhimashada, madaama ayuu yiri dhulka lagu dagaalamayay uu ahaa mid howd ah oo dhul beeraley ah.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinac howlgalka midowga Africa AMISOM oo ka hadlaya weerarka xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.