Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Xaley Kulan Afurin ah La Qaatay Qaar Ka Tirsan Xildhibanada

0
36

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulanka afurka ee uu u sameeyay.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu guddoomiyaha kaga mahadcelinayay xildhibanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka kasoo qabteen iyo iney hada wada shaqeyn dhexmarto.

Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo talooyinkooda la xiriira sida hada loo sii hormarin karo Golaha Shacabka.

kulankan uu Guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada Baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarashada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan.