Ciidanka Xasilinta Gobolka Banaadir oo Laba Ruux Hubeysan Ku Toogtey Degmada Dharkanleey

0
67

Ciidamada dowlada ayaa laba ruux ku diley degmada dherkeenley ee gobolka banaadir labadaa ruux oo la sheegay iney hubeysnaayeen.

Toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda Xoosh ee degmada Dherkeenley iyadoo la sheegay in iska horimaad hubeysan uu dhex maray ciidamada ammaanka iyo labada ruux ee la diley.

Wali kama aysan hadlin maamulka degmada dilkan, hasse ahaatee maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray cabasho ay muujinayeen dadka deegaanka oo la xiriirtay dhac rag ku labisan dareyska ciidamada u geystaan xiliyada habeenkii.

Ciidamada xasilinta ayaa habeen ka hor howlgal waxa ay ka sameeyeen Waaxda saddexaad ee degmadaasi Dharlenley,iyaga oo ku soo qabtay rag hubeysan oo dhac u geysan jiray dadka shacabka.