Madaxda Midowga Africa oo Kawada Hadley Faragelinta Somaliya Ay Shisheyuhu Ku Hayaan

0
36

Midowga Africa ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan faragelinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya, kadib kulan uu magaalada Addis-Ababa ku dhaxmaray guddoomiyaha midowga Africa iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Muse Faki guddoomiyaha Midowga Africa iyo ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihin, Siyaasadda, Doorashada 2020-ka ee qof iyo cod, xasilinta amniga dalka, iyo xallinta khilaafaadka dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Midowga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in faragelintaasi ay carqalad ku tahay dhismaha nabadda iyo horumarinta ka socda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Mahamed ayaa Madaxda dalka ka dalbaday in ay si wadaan dadaallada la dagaallanka musuqa, si Soomaaliya ay dib ugu laabato xubinnimada Hay’adaha Caalamiga ah ee dhinaca Maaliyadda.