Madaxweyaha oo Maanta Xilka Ka Qaaday Guddoomiyaha Maxakamadda Sare

0
36

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeega Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa leh aqoon durugsan oo dhanka sharciga ah, waxa uuna hore usoo noqday qareen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.