Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa shalay gelinkii dambe xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub ayagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan taageerada uu ururkaasi siiyo Soomaaliya.
Gudiga ayaa ka wareeystay gudoomiyaha baahiyaha gaarka ah ee golaha iyo warbixin guud oo ku saabsan taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa Wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda, isagoo warbixin ka siiyay waxyaalaha ay doonayaan in Midowga Yurub uu gacan ka siiyo oo ay kamid yihiin tababarro aqoon kororsi ah in ay ka helaan Midowga Yurub gaar ahaan dalalka uu jiro nidaamka federaalka.
Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Midowga Yurub in ay gacan ka geeystaan xoojinta xiriirka aqalka sare iyo dowlad goboleedyada dalka.
