Ugu yaraan 7 ka mid ah Ciidamada Kenya ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose iyada oo gaari ay saarnaayeen Miino la kacday.
Goobjoogayaal iyo Saraakiil dhinaca amaanka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sidoo kale laba askari uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay, Askar ka badan 10 ay geeriyoodeen iyaga oo intaas ku daray in Qaraxa oo xoog lahaa uu saameeyay laba ka mid ah Kolanyada Ciidanka Kenya ee maraayay Dhoobley.
Dowladda Kenya wali kama hadlin weerarka looga laayay Askartan,Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegteen mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay ku faaneen in ay ku dileen 15 ka mid ah Askarta Kenya.
