Dhegeyso: Gudoomiyaha Degmada Buula Burde oo Sheegey In Ay Degmada Soo Gaareen Dad Kasoo Barakacay Fatahaada Degmada Baledweyne

0
92

Boqolaal qoys oo kasoo barakacay Fatahaadda Magaalada Baledweyne ayaa maanta gaaray degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan sidda ay Risaala u xaqiijiyeen mas’uulinta degmadaasi.

Gudoomiyaha Buulo Burde Cabdi Daahir Guure oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in dadkii soo barakacay ay soo gaareen Magaalada, islamarkaana ay u baahan yihiin in la caawiyo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in meelo ka mid ah degmada uu ku fatahay Wabiga Shabeelle oo mara Xaafado ka mid ah degmada Buuloburde.

Gudoomiyaha-Buulo-burde