Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Amniga xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ka dib markii Maanta uu baaqday kulankii Baarlamaanka ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta.
Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaarayo Khilaafka Baarlamaanka.
Waxaa uu sidoo kale xusay in Jawaari amnigiisa ay ka mas’uul yihiin, qeybna uu ka yahay waajibaadkooda inta uu xilka haayo.
Xasilooni darada siyaasada dalka somaliya ayaa beryahanba waxaa si weyn looga hadal hayey baraha bulshada ay ku kulmaan ayagoo inta badan saadaalinaayey in dalka jidaha uu ku socdo ay tahay mid qaldan.
