Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Ka Hadley Weerar Alshabab Shaley Kusoo Qaaday Buulomareer

0
37

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Ciidamada AMISOM Francisco Caetano Madeira,ayaa War kasoo saaray Weerarkii cuslaa ee ka dhacay degaanka Buulomareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay si adag ula dagaalameen Al-Shabaab , islamarkaana ay ka guuleysteen kuwaa soo weeraro is xig-xigay ku qaaday degaanada Buula-mareer,Golweyn iyo Qoryooley oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in marka hore Al-Shabaab weerarkooda ay ku bilaabeen Qaraxyo,waxaana la bur buriyay labo ka mid ah gawaari ay ka soo buuxiyeen Walxa Qarxa,sidoo kale Ciidamada ayaa la wareegay nuucyo kala duwan oo hub ah oo Shabaab ay wateen sidda warka lagu sheegay.

AMISOM,ayaa sheegtay in weerarka kaga dhinteen Afar askari,halka lix kale dhaawacyo fudud ay soo gaareen,waxaana Madaxda AMISOM ay ku amaaneen Ciidamada sidda Al-Shabaab uga hortageen una hureen naftooda.