Cidamada Amisom oo Isaga Baxay Deegaanka Cali Fool Dheere ee Duleedka Mahadaay

0
65

Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidanka Burundi ay isaga baxeen deegaanka Cali Fool-dheere oo saldhig ku lahaayeen.

Ciidamada AMISOM ayaa gebi ahaanba soo faarujiyay deegaanka Cali Fooldheere oo qiyaastii illaa 20KM u jirta Mahadaay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalayahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo sahay u siday inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Cali Fooldheere.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Cali Fooldheere, waxaana la soo sheegayaa in xaalada deegaanka ay tahay mid degan, Shabaabkana ay ku sugan yihiin saldhiggii ay baneeyeen Ciidamada AMISOM.