Madaxweynaha oo Dib u Dhigey Kulankii Maanta Ka Dhici Lahaa Golaha Shacabka

0
37

Warar aynu ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baajiyay kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya kulanka loo baajiyay si looga fogaado dhibaato ka dhalan karta fadhiga Golaha marka ay isugu taggi lahaayeen xildhibaanno siweyn ugu kala aragti duwanaa Ajandaha kulanka.

Xildhibaanno xalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya in uu ku guuldareystay waajibaadkii loo doortay, iyaga oo sheegay in mooshinkan bilaawday noqon doonin mid halkan ku dhamaada ilaa sida ay hadalka u dhigeen uu madaxweynaha xilkiisa ku waayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in uu madaxweynuhu qeyb ka yahay sida uu hadalka u dhigay weerarka lagu soo qaaday Baarlamaanka Soomaaliya wax badanna ka ogyahay ciidamada la dul dhigay xarunta.