Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Dalka Dib ugu Soo Laabtey

0
193

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, oo shalay lagu soo gabogabeeyey magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynuhu markii ay kusoo laabteen dalka, waxaa warfidiyeennada la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaaladda Addis Ababa, shirarkii uu ka qeyb galay dhammaantood ay miro-dhaleen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres iyo Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey Mudane Stefano Manservisi oo ah Madaxa Iskaashiga caalamiga iyo Horumarinta.

Madaxweynaha aya aintii uu halkaasi ku sugnaa waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaatey Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Yoweri Museveni, Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.