Hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Rail Odinga oo Maanta Asna Loo Dhaariyey Madaxweynaha Shacabka Kenya

0
72

Rail Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay in uu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

Xaflada dhaarinta oo socotay muddo ka yar toban daqiiqo ayaa waxaa ka maqnaa inta badan madaxda xisbigga mucaaradka sida Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

Raila Odinga ayaa saddex bilood kahor sheegay in la xaday doorashada dalka Kenya waxaana jirta cabsi ku aadan dhanka ammaanka iyadoo ciidamada Booliskana ay meel sare kala socdaan waxa ka dhacaya magaalada Nairobi.

Hogaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa ku andacoonayaa in saddex jeer oo xigxigtay doorashooyinkii dalka ka dhacay lagu shubtay waxana u diiday in uu aqoonsado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib u doorashadiisi dhamaadkii sanadkii hore.