Xukuumada oo Sheegtey In Lasoo Afjarey Weerarkii Shaley Ka Dhacay Hoteelka Naasahablood 2

0
28

Saraakiisha hay’addaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho oo kooxda alshabab ay shalay gudaha u galeen.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa in ay ka badan tahay 20 qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 30 qof.

Inta la xaqiijiyay dadka dhintay waxaa ku jira mas’uul ka tirsan guddiga taakuleynta ciidamada islamarkaana ahaan jiray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo wasiir ka tirsan maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka tacsiyeeyay dadkii weerarkaasi lagu dilay, waxa uuna sheegay in weerarada Al-Shabaab aysan marnaba niyad jebin doonin dowladdiisa.