Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegey Iney Ka Shaqeynayaan Sidii Gawaarida Xamuulka Wado Gaar ah Loogu Sameyn lahaa

0
43

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo maanta la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in maamulkiisu qorsheynayo in hal waddo oo kaliya isticmaalaan gadiidka xamuulka qaaday magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay guddoomiye Taabit in aysan suuragal aheyn in dekadda ay qaabisho gawaari badan, sidaasi darteedan gaadiidka Xamuulka waqtiyo gaar ah ay shaqeyn doonaan si ciriiri aysan ugu keenin wadooyinka kale ee Muqdisho.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa haatan noqday ciriiri kadib markii wadooyin jid cadayaal oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka la xirey waxayna taasi qasabtay in gaadiidka oo idil ay laamiyada maraan taasoo xilliyada qaar gaadiidku aysan helin meel ay kala maraan.

Dadka reer Muqdisho ayaa hadda u muuqda kuwo dareen badan ka qaba gadiidka xamuulka ah ee isticmaala jidadka caasimada kaddib qaraxii Zoobe oo uu fuliyay gaari weyn oo kuwa xamuulka ah.