Shariif Xasan oo Amar Ku Siiyey Taliyaha Cidanka Boliska Gobolka Bay In La Xero Xafiiska Gudomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka K/Galbeed

0
38

Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa la sheegay in uu is hor istaag bareer cad ah uu ku sameeyay shaqada xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Shaqaale ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo uu wato taliyaha Booliska Gobolka Baay Mahad C/raxmaan Aadan shalay ay tageen xarunta maxkamadda sare, kadibna ay ku amreen dhamaan wixii joogay inay isaga baxaan.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Gobolka Baay, ayaa amar cad wuxuu siiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Fanax oo uu ku amray inuusan soo gali karin xafiiska, sababo illaa hadda aanan la ogeyn.

Falkan uu ku dhaqaaqey Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan oo u fasaxdey inuu faragelin toos ah ku sameeyo shaqada Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la sheegayaa in uu amar buuxa ka heysto hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan.