Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Eedeyn Usoo Jeediyey Beesha Caalamka

0
39

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa qoraal uu ku qoray Wargeyska Mareykanka ee NY Times ayuu kusoo bandhigay xaaladda ay ku sugan tahay hay’adda Sirdoonka Soomaalida.

Qormada Sanbaloolshe ayaa qormadiisa xoogga ku saaray xaaladda ay ku shaqeeyaan hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo inaysan jirin taageero ay ka helaan dalalka reer Galbeedka.

Tobanka Qodob oo qormada Sanbalooshe ku jiray waxay kala ahaayeen:

1- Qaraxii Isgoyska Zoobe waxaa ku dhintay 400 oo qof, 150 waa la aqoonsan-waayey.

2- Dunida qaraxaasi waa ay canbaareysay balse cambaareyn waxba kama tareyso Al-shabaab iyo kuwa qaraxyada u sameeya.

3- Al-shabaab hadda waxaa ay ka taliyaan baadiyaha iyo dhowr magaalo, waxaa ay tiradooda gaarayaan 8000, sanadkii 2016-dii, waxaa ay geysteen 395 weerar.

4- Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay qalab lagu baaro qaraxyada, Faraha iyo DNA taasi oo aaney heysan dowladda.

5- Hey’adaheenna Sirdoonka Soomaaliya waxaa ay isticmaalaan Softwere la isticmaali jiray qarnigii 20aad.

6- Dowladda Soomaaliya waxaa ay la tacaaleysaa mushaarka shaqaalaha, mana awooddo qalab wax lagu baaro.

7- Hey’adaha Sirdoonka Shisheeye ee baara qaraxyada ka dhaca Soomaaliya, natiijada baaritaanka nalama wadaagaan qaarkood hab ganacsi ayey u isticmaalaan.

8- Mareykanka iyo Ingiriiska waxaan ka codsanay in tababar naga caawiyaan qalabka qaraxyada baara, wax jawaab ah nama siin.

9- Hey’adaha shisheeye ee qaraxyada kadib wax baara, waxaan ka codsanay in natiijada iyo xogta nala wadaagaan, dhagaha ayey naga fureysteen.

10- Bishii August waxaa la xiriiray FBIda si khibradooda uga faa’ideysanno, waxan ka codsaday kulan si aan ugu sharaxo khatarta, Laakin wax jawaab ah kama haayo.