Alshabab oo Saaka Aroortii Weerar Kusoo Qaadey Saldhig Ay Halkaasi Ku Lahaayeen Ciidamo Beeleedyo Ku Labisan Dareyska Dowlada

0
27

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar is qarxin iyo mid toos ah ku qaadeen saldhig ay ciidamadamo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada ku lahaayeen deegaanka Bariire.

Weerarkan oo dhacay waaberigii hore ee saakay ayaa socday muddo waxaana dadka ku sugan deegaanada ku dhow dhow Bariire ay sheegayaan in qaraxyo waaweyn ay maqleen dagaal xoog lehna kadib uu xigey.

Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay la wareegeen saldhigga ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Bariire ayna halkaa ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo gaadiid kale.

Dhawaan ayey aheyd kolkii howlgalo ay halkaasi ka fulinayeen ciidamada dowlada ay halkaasi ku dileen 14 ruux oo kasoo jeeda beesha habar gidir buuq badan kadib waxaa dhacdey in dowlada qalad aysan laheyn ay qaadato magdhowna uga dhigto in ciidamo beeshasi kasoo jeedi halkaasi lasoo dhigo.