Dhegeyso:Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo Sheegey In Xabsi Guri Laga Dhigey Asaga iyo Madaxweyne Ku Xigeenka

0
66

Gudoomiyaha Baaralamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa wuxuu sheegay in laga dhigay Xabsi guri oo loo diiday inuu ka baxo Madaxtooyadda Maamulka Galmudug isaga iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug wuxuu sheegay isaga, Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug in laga wada dhigay xabsi guriga oo loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah.

Ciidamada ammaanka Madaxtooyadda Galmudug, ayaa amar siiyay madaxdaan inaysan ka bixi karin Madaxtooyadda Galmudug, haddii ay ka baxaan Madaxtooyadana ammaankooda aysan masuul ka aheyn ciidamada Madaxtooyadda.

Gudomiyaha Baarlamanka Galmudug

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Gudomiyaha Baarlamanka Galmudug Mobil