Shirka Khamiislaha ee todobaadkiiba mar ay yeesheen xubnaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya uuna shir guddoomiyay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa looga wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020ka.
Golaha wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka oo soo bandhigay qorshaha guud ee doorashooyinka, si qoto dheerna uga warbixiyey horumarka ay ku tallaabsadeen ee ku aadan u diyaar garowgooda, sheegeyna in ay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.
Guddiga ayaa sheegay inay daraasad ku sameeyeen dalal badan oo duruufaha heysta ay la mid yihiin Soomaaliya haddana ay doorashooyin ka qabsoomeen.
Guddiga ayaa sheegay in ay jiraan caqabado fara badan, kana codsaday in golaha wasiirada ay xal u helaan caqabadahaas oo ay ka mid yihiin tan dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka. golaha wasiirada ayaa guddiga ku ammaanay dadaalkooda una ballanqaaday inay u fududeyn doonaan howlahooda si dalka looga hirgeliyo doorashooyin hal qof iyo hal cod ah 2020ka.
Sidoo kale golaha wasiirada ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Hindise Sharciyeedka xaqsiinta ciidamada qalabka Sida, oo muhiim u ah dib-u-habeynta ciidamada Qaranka iyo sidii dadka howlgabka ah, agoonta iyo curyaamiinta ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Sharcigan ayaa ahaa mid dib u eegis ku sameeyey Sharci Lr 6 ee 31kii December 1969kii, si loola saanqaado xaalada dalka ku suganyahay.
Sidoo kale golaha wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyey xeer hoosaadka golaha wasiirada, kuna ballamay inay ka soo baaraandegaan si loo ansixiyo kulamada danbe..
