Maxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantey Doorashadi Dhawaan Ka Dhacdey Dalka Kenya

0
47

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii dhawaan ka dhacday dalka, taasoo uu ku soo baxay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Go’aanka ayaa sidoo kale doorashadii dalka ka dhacday ee madaxtinimada ka dhigay mid aan waxba ka jirin. Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa sheegtay in guddiga doorashooyinka Kenya at garab mareen dastuurka dalka sidaas awgeedna loo baahan yahay in doorashada madaxweynaha dib loogu noqdo muddo laba bilood gudahood ah.

Maxkamadda sare oo ka kooban toddobo xaakim ayaa ku kala qaybsantay go’aanka iyada oo afar xaakim ay isku raaceen go’aanka lagu baabi’iyay doorashadii Kenyatta halka labo xaakim ay ka hor yimaadeen. Maxamed Ibraahim, ayaan isagu ka qaybgelin go’aanka maxkamadda arrimo caafimaad awgood.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib markii ay maxkamada sare dacwad u gudbiyeen hogaamiyayaasha xisbiga mucaaradka dalka Kenya ee NASA oo uu horkacayo musharaxooda Raila Odinga.

Taagerayaasha xisbiga mucaaradka oo siweyn u sugayay go’aanka maxkamada ayaa markii lagu dhawaaqay bilaabay in ay u dabaaldagaan natiijada oo ah mid marka dhinac laga eego dadka kale ee reer Kenya lama filaan ku aheyd.