Madaxweynaha Dalka Kenya oo Sheegey In Fikir Ahaan uu Kasoo Horjeedo Go,aanka Maxkamada Sare Balse uu u Hogaansami Doono

0
31

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu fikir ahaan ka soo horjeedo go’aanka maxkamada sare ee dalka ay ku baabi’isay guushii uu ka gaaray doorashadii Augusto, laakiin waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono.

Maxkamada sare marnaba ma aysan eedeynin Uhuru Kenyatta iyo xitaa kooxdiisii olalaha doorashada, laakiin waxaa ay sheegtay in guddiga doorashada aysan u dhaqmin si waafaqsan xeerarka doorasho ee dalka u degsan.

Bulshada reer Kenya ayuu ugu baaqay Uhuru in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka iyo nabada, iyadoo aan qofna loo eegin fikirkiisa siyaasadeed iyo qowiyada uu ka soo jeedo.