Xukuumada Fedraalka oo Sheegtey Iney Ku Howlan Yihiin Sii Deynta Maxaabiista Ku Xiran Hindiya

0
27

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in Wasiirka caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay 1-da Bisha August u ambabixi doonaan dalka India si dowladda dalkasi ay ugala hadlaan sii deynta 118 Maxaabiis Soomaali ah oo ku xir-xiran dalkaasi.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in heshiis dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda India uu dhawaan soo saxiixi doono wasiirka cadaaladda, oo uuna ka shaqeynayo wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

26-kii September ee sanadkii 2016, Safaaradda Soomaaliya ee dalka India ayaa beenisay wararka sheegaya in dil lagu xukumay qaar ka mida maxaabiis loo haysto falal burcad-badeednimo oo ku xiran jeel ku yaalla magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya.

Safiirka dalka Hindiya u jooga Soomaaliya Ebyan Ladane Saalax ayaa sheegtay in safaaraddu ay qoraal ka heshay garyaqaanka u doodaya dhallinyarada ku eedaysan falalka burcadbadeednimada, waxayna sheegtay in weli dacwadda dhalinyaradani ay socoto.