Ciidanka Xasilinta Gobolka Banaadir oo Habeenkii Xaley Howlgalo Ka Fuliyey Degmada Wadajir

0
32

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay Xaafadaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Ciidanka ayaa baarayay dadka gaar ahaan dhallinyaradda, waxaana la sheegay in su’aallo ay weeydiinayeen.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee howlgalka waday ayaa sheegay in ujeedka Howlgalka uu ahaa mid lagu sugayay amniga Degmada.

Intii uu howlgalku socday ayay ciidamada dowladda ay soo qabteen dhallinyaro aad u badan inkastoo markii dambe baaris lagu sameeyay ka dib la siidaayay badankood.

Ciidamada ayaa soo bandhigay “Mooto Bajaaj 12 Mobil, Qori AK47 iyo Saddex Rag ah oo mid ka mid ah uu ahaa dhaawac, kuwaas oo ay sheegeen in Mooto Bajaaj ay dadka ku dhici jireen, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen.

Habeen ka hor, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Maxamed Cabdi iyo Wasiirka amniga guddaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, ayaa bogaadiyay Ciidamada Xasilinta Amniga, kuwaas oo gacanta ku dhigay koox degmadda Yaaqshiid dhac ka geysan jiray xiliga habeenkii.