Wasiirka Dastuurka Dowlada Federaalka oo La Kulmey Safiirada Midowga Yurub

0
32

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Safiiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Amb Veronique Lorenzo, kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Wasiirka iyo Safiiradda ayaa intii uu kulankooda socday kawada hadlay sidii EU ay u taageeri lahaayeen hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dawladda Soomaaliya, dhanka kalena waxa uu ka codsaday in Wasaaradda lagu garab istaago hawlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayso.

Safiiradda ayaa dhinaceeda aad usoo dhaweysay isla markaana bogaadisay howlaha iyo latashiyada baaxadda leh oo ay Wasaaradda muddooyinkaan waddo, waxayna dhiirigelisay in la sii xoojiyo. Safiiradda waxey ballanqaaday in EU ay si buuxda u taageereyso dib u eegista Dastuurka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiiradda sida ay uga go’antahay in ay Wasaaradda taageerto iyo guud ahaanba hay’adaha dawladda.