Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaay, iyadoo laga soo saaray go’aano.
Kulankii golaha wasiirada ee maalintii shaley lagu qabtey magalada kismaanyo ayaa waxaa shir gudoominaayey Ra’iisal Wasaaraha xukuumada federaalka.
Falanqeyn iyo doodo badan ka dib kulanka waxaa go,aan lagu gaarey qodobo dhowr ah ayagoo ay ugu muhiimsanaayeen 3 qodob oo kala ah.
1- Waxay Golaha Wasiiradaansixiyeen Sharciga Saxaafada oo dib u eegis lagu sameeyay.
2- Waxaa shirka lagu ansixiyay Sharciga Waxbarashada oo ay soo diyaarisay Wasaaradd Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
3- Waxaa kaloo shirka lagu ansixiyay xuquuqda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay dowladda Soomaaliya ay xuquuq gaar ah u sameyso madaxda dalka soo maray.
Waa markii ugu horeysey oo ay golaha wasiirada ku shiraan meel ka baxsan magalada muqdisho ayadoo la sheegey in shirarka soo socdaa ay tegi doonaan dhamaan caasimadaha maamul goboleedya.
