Wararka aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in habeenkii xaley ay ciidamada xasilinta howlgal xoog leh ka qabteen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka oo ay ka qeyb qaadanayeen ciidamo fara badan ayaa la sheegayaa in howlgaladan ay ka fuliyeen xaafadaha Juungal, xaafadda Towfiiq, Silliga, Ceymiska iyo Fagax, waxaana la sheegay in ciidamada ay galayaan guryaha iyagoo si adag u baaraya.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay fiidnimadii xaley xireen xaafadaha isla markaana ay ururinayaan dhalinyarada, iyadoo guri guri u gelaya xaafadaha howlgalku ka socdo.
Ma aha markii ugu horeysey oo ay howlgalo noocan oo kale ah ay ciidamadanka fuliyaan gudaha degmooyinka gobolka banaadir howlgaladan kuwo la mid ah ayaa horey loga soo fuliyey degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka banadir.
