Gudiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Federaalka oo Kasoo Horjeestey Go,aanka Dhexdhexaadnimo oo ay Dowlada Ka Qaadatey Is Qabqabsiga Khaliijka

0
113

Guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka ka dhax taagan wadamada Khaliijka, kaddib qoraal uu gudiga u diray xafiiska madaxweynaha.

Qoraalkana oo la sheegay in maalintii shalay la gaarsiiyay xafiiska madaxweynaha ayaa ku baaqaya in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si loo mideeyo ama la isku soo dhoweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneyso in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay gudbiyeen.