Daawo Reysulwasaare Kheyre oo Khudbad Qiimo Badan Ka Jeediyey Magalada Kismaanyo

0
259

Raysul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shalay gelinkii danbe magaalada Kismaayo kulan kula qaatay ururrada bulshada rayidka ah ee ka dhisan Kismaayo.

Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Jubaland oo ku mideysan dallada daneeyeyaasha aan dowliga ahayn ee (JUNSAA) ayaa raysul wasaaraha ku bogaadiyay howlaha baaxadda leh ee ay heeyso xukuumadda uu hogaamiyo, ayagoo ku dhiirigeliyay in uu sii laba jibaaro dadaalkiisa.

Raysul wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa gabagabadii madasha ka jeediyay khudbad dheer, isagoo ugu horeyn ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay nabaddu leedahay iyo waxyaalaha laga doonayo bulshada Soomaaliyeed si dalku u gaaro horumar iyo xasilooni waarta.