Howlgalo Lagu Baacsanaayo Alshabab oo Xowli Uga Socda Gobolka Shabelaha Dhexe

0
44

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xaalad degenaasho ka jirto deegaanadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa ilaa saddex jiho kaga ambabaxeen magaalada Jowhar, iyagoo gaaray deegaanada Cali Fooldheere, Qurac Madoobe, Aqabduco iyo tuulooyin ku dhow dhow Biyo Cadde.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaannadaa ayaa sheegaya in ciidamada ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku aadan siddii ay ugu gudbi lahaayeen deegaanada bari ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen, Caanood oo hoggaaminaya Ciidamada ayaa xalay ku hoyday deegaanka Biyo Cadde oo todobaadkii hore Al-Shabaab weerar ku qaadeen.