Ciidamada Amniga Sacuudiga oo Fashiliyey Qarax Lala Damacsanaa Masjika Xaramka

0
35

Ciidamada ammaanka ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa fashiliyay waxa ay ku tilmaameen weerar argagixiso ay qorshaynaysay in ay ku bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan.

Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatey falkaa waxashnumida ahaa ee uu shaqsigaasi la damacsanaa umada muslimiin ee cibaadeysaneysey.