Qaraxii Pizza House iyo Posh Treats oo ay Ku Dhinteen In Ka Badan 18 Ruux

0
204

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Al Shabaab ay weerareen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats.

Weerarkii xalay waxaa uu ku bilowday baabuur uu watay qof isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dablay hubaysan oo gudaha u gashay Pizza House.

Labada maqaayadood ee la weeraray ayaa ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana ay yihiin kuwo iska soo horjeeda.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya Axmed Maxamed Maxamuud Carab ayaa Warbaahinta u sheegay tirada dhimashada dadka in ay gaarayaan 18 ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah uu yahay ruux Ajnabi ah.