Maleeshiyo Beeleedyo Ku Dagaalamey Deegaano Hoostaga Gobolka Hiiraan

0
163

Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo beelleed ka soo kala jeeda gobollada Galguduud iyo Hiiraan ayaa mar kale dib uga qarxay deegaanno hoostaga gobolka Hiiraan.

Dagaalka subaxnimadii hore ee saakay dhacay ayaa daba-socda dagaalo horay uga dhacay deegaanka, hasse ahaatee wararka naga soo gaaraya Aaga lagu dagaalamayo ayaa sheegaya in dagaalka danbe ee maanta dhacay ka cuslaa kuwii hore.

Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la soo gaarsiiyay qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay dagaalka maanta, sidoo kale dhaawacyo kale ayaa dhigay isbitaallada degmooyinka Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb.

Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa wada dadaallo la doonayo in xiisada lagu qaboojiyo iyaga oo ugu baaqay maleeshiyada dagaalamaya in ay xabada joojiyaan.