Gudiga Qabanqabada Doorashada Madaxweyne oo Joojiyey Doodihii Loo Qaban Lahaa Musharixiinta

0
55

Guddiga qabanqaabada musharixiinta xilka madaxweynaha oo goor dhaw shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in gabi ahaanba la joojiyay doodii musharixiinta oo qorshuhu ahaa in maanta la qabto.

Guddoomiyaha gudiga doorashada doorashada Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo goor dhaw dadka kala hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin marka hore ka bixiyay wax sababay in ay baaqato dooddii maanta qorshuhu ahaa in la qabto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arintan aheyd mid tijaabo ah oo ku cusub marka la eego jadwalka doorashada madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay in ay go’aan ku gaareen gabi ahaanba in la joojiyo dooda oo halkaa lagu hakiyo, madaama ayuu yiri waqtigu aad u kooban yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in musharax walba u furan tahay in uu iska soo duubo muqaal shan daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlayo, waxaana uu balanqaaday in muuqaalkaa si toos ah looga sii deynayo TV Qaranka.