Aqriso:Gudoomiyihii Degmada Afgooye oo Qeylo Dhaanta U Dirsadey Maamulka Gobolka Iyo Maamulka Shariif Xasan

0
152

Cabdinaasir Caalin Ibraahin Gudoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaalada maamulka degmada ka dib kolkii uu Qoraal cabasho ah u gudbiyay Maamulka gobolka Shabeelaha hoose iyo kan KoonfurGalbeed.

Gudoomiye Cabdinaasir Caalin Ibraahin ayaa waxa qoraalkiisa cabashada ah ku cadeeyay in Xoghayaha Dowladda hoose ee degmada Afgooye Cumar Muxumad Muuse uu ku sifoobay lunsashada dhaqaalaha ku soo xarooda xafiiskiisa halka ay taana u dheer tahay amar qaadasho la’aan,Ku takri fal awoodeed iyo waliba wada shaqeyn la’aan.

Cumar Muxumad Muuse Xoghayaha Dowladda hoose ee degmada Afgooye ayaa waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka weli ku dhex jira maamulka degmada Afgooye kana soo jeeda beelaha hawiye ee dega gobolada dhexe ee Soomaaliya xoogana ku haysta gobolka Shabeelaha hoose isla markaana uu horey u mamnuucay maamulka KoonfurGalbeed Dukumiintiyadii dhuleed ee uu saxiixay Xoghaye Cumar Muxumad Muuse balse waxaan ilaa iyo maanta la ogayn sababta uu weli Cumar uu usii hayo xilka Xoghayaha degmada Afgooye,

Warar laysla dhexmaraayo ayaa tibaaxaya in Cumar Muxumad Muuse Xoghayaha Dowladda hoose ee degmada Afgooye halkaas u joogo Madaxweynaha wakhtiguuse dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo inta badan dhulka uu bixiyay Xoghayuhu siiyay.

Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalin iyo Cumar Muxumad Muuse Xoghayaha Dowladda hoose ayaa waxay horey xilka uga tureen iyagoo wadajira gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye Cabdiqani Yuusuf Boolimoog iyadoo gudoomiye Cabdinaasirna xiligaasi uu ahaa ruux ay kooxaha duulaanku ku shaqaystaan haatana uu xaalku noqday inay kooxaha duulaanku ka dhameysteen dantii ay ka lahaayeen gudoomiye Cabdinaasir Caalin.

Calaacalkankan ka soo yeeray Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalin ayaa u muuqda mid uu ku beer laxawsanayo shacabka reer Afgooye oo isaga horey u khiyaamay balse maanta shalay ma aha reer Afgooyana maanta ma ahan dad sheeko iyo indha sarcaad loogu beer laxawsan karo.