Maamulka Somaliland oo Sheegey In Goboladooda aan lagu Isticmaali Karin Baasaboorka Somaliya

0
29

Wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray Farotoon, ayaa sheegay in Somaliland laga dhoofi karin ama lagu soo gali Karin Baasaboorka Soomaaliya ee gudaha Somaliland lagu sameeyo.

Sidoo kale, waxa shacabka Somaliland lagu amray inay dadku sitaan kaadhadhka aqoonsiga muwaadimo, taas oo lagu kala saarayo qofka muwaadinka ah iyo ka ajanabiga ah, isla markaana qofka ajanabiga ah sifo sharciga ku joogo laga rabo.

Amarkan ka soo baxay wasiirka Arrimaha gudaha ayaa lagu cusboonaysiiyey qaraar hore uga soo baxay wasaarada arrimaha gudaha oo mamnuucayey qaadashada iyo isticmaalka baasaboorka lagu sameeyo ama laga soo saaray goob kamida gudaha dalka Somaliland.

Go’aamada Wasiiradu isla qaateen waa sidan hoos ku qoran:

1-In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada , istimaalka iyo ku safarka baasaboorka soomaliya ee kasoo baxay ama ku qoran tahay in lagu sameeyey goob kamida dhulweynaha jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo January 2017.

2- Dhamaan Shirkadaha safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh baasaboorka kor ku sheegan ee laga mamnuucay Isticmaalkiisa.

3- Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in aan baasaboorkan dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.