JACEELKI ASAD IYO BOQORADA (Qeybta 9-aad)

0
102

Deynaba ayaa hadana tiri Aboowe codsi maku weydiistaa hana ila yaabin inteey tiri ayeey qososhay.

Hassan haa I weydii weligaagana waxa niyadaada rabto hadeeyba wanaag yihiin qofna ha aga baqin weydii ruuxuu doona ha noqdee hadana aniga wax waliba aan awoodo waan kuu sameeynayaa afkaaga hala xishoon Gabar agteeyda aad qaali aga ah ayaa tahay. Alla Aboowe macaan aad iyo aad ayaad u mahadsantahay Hadaladaada macaanka badan oo naxariista eey ka buuxdo Hassan aboowe waxaan u baahnaa in aad Shineemo ii kaxeeysid hadii aad waqti ii heleeysid maalin aad firaaqo leedahayna nooga dhig. waayo waxaan ahay ruux jecel mararka qaar inuu tago Shineemo, Hassan wuxuu yiri waxaad noo tahay marti waa in laguu sameeya wax waliba aad codsato iyo kuwa aadan codsanin intaba, waxeey isla meel dhigeen habeenkii eey aadi lahaayeen Shineemada, waxaa lagaaray habeenkii balanta ee aheeyd in la is raaco, Deynaba waxeey aheeyd ruux degen kana adag mar waliba nafteeda iyo hawadeeda balse waxaa jiidanayey awood kale oo ka xoogbadan una diiday ineey nafteeda koontoroosho waxeey ku balamisay Hassan meel aan sidaa uga fogeeyn guriga iyadoo ujeedkeedu aheeyn wax kale balse waxeey aaday meel lagu iibiyo Ubaxyada waxeeyna soo iibisay Ubaxyo midabyo kala duwan lahaa oo aad u qurux badnaa. Deynaba waxaa ilaah u dhaliyey Heeybad dhameestiran oo eey qalbigii eey rabooto si dhaqsa ah eey ku soo jiidan kareeysay.

Waxaa meeshi balanta yimid Hassan waxeey si qosol iyo farxad leh ku salaantay Hassan una dhiibtay Ubaxyadii sida quruxda badneed loo soo sameeyey iyo hadiyad kale midaas oo aheeyd Barfuunkii uu isaga soo xulay misna ku ahaa falaar wadnaha ka muday.

Hassan waxeey aheeyd noloshiisa markii ugu horeeysay eey gabar Soomaali ah u hadiyeeyso Ubaxyo iyo Barafuun waayo inta badan sida caadada ah gabdhaha soomaaliyeed iyo wiilashaba caada uma aheeyn ineey ubax isu hadiyeeyaan, waxeey galeen shineemadii waxaa ka socday filim Romance ahaa qofwaliba oo jaceel horey usoo marayna uu soo xasuusinaayey jaceelkiisi hore.

Shineemada inta badan dadku waxeey iskula socdeen si lamaanayaal ah jawiguna wuxuu ahaa jawi aad u degenaa oo amusnaan ah iyo iyadoo labadii isla hadleeysa si hoose oo aan cid kale maqleeynin iskula sheekeeysanayeen Deynaba iyo Hassana waxeey hayeen sheeko hadba dhinac laga soo qabanaayey, Hassan wuxuu ahaa shaqsi aan jecleen in noloshiisa qaaska ah wax laga weeydiiyo, balse Deynaba waxeey mar waliba weeydiineeysay su`aalo ku saabsan shaqsiyadiisa, wax waliba eey weydiiso wuxuu uga jawaabaayey sida dhabta ah isagoon misna jecleen su`aalahaas, balse uma muujineeynin intaba inuusan raali ka aheen wuxuu ku qarinaayey qosol iyo dhoola cadeeyn, balse wuxuu diiday hal su`aal inuu uga jawaabo taas oo aheeyd noloshiisa haduu gabar si dhab ah u jeclaaday, wuxuu yiri haa, waxeey tiri iiga sheekey, wuxuu ku yiri kama sheekeeyn karo gabadhaas iyo jaceelka na dhexmaray mana rabo inaan uga sheekeeyo Ruux bani`aadam ah, Deynaba waxeey tiri maxaad uga sheekeyn weeysay miyeey ku xumeeysay mise gabadha adigaa xumeeyey, Hassan wuu qoslay wuxuuna yiri aad ayaad ugu wanaagsantahay baaritaanka, balse midan ma ahan mid leeyga soo saari kara sideey doontaba ha ahaato ee aan ka gudubno midan, waxeey tiri raali ahoow waxaan filayaa inaan qaldanahay waayo waxaan kugu qasbayaa waxaadan raali ka aheeyn. Maya dhib malahan abaayo waxaanan raali ka aheeyn aniga ayaaba iska celinaaya ee adiguna wax qalad ah maba lihid, mar walibana su`aalaha wey furanyihiin ayuu Hassan u sii raaciyey.

Waxeey tiri Deynaba Hassan aniga oo keliya ayaa su`aalo ku weydiinaaya maxaa diiday in aad adiga su`aalo nolosheeyda ku saabsan i weeydiiso?

wuxuu yiri Hassan ma jecli aniga qofka Private-kiisa inaan galo waayo aniga ayaan jecleen midaas, Deynaba ayaa ku celisay waayo ma dhib baa midaas, Hassan wuxuu yiri dhib ma ahan balse qof waliba waxa uu leeyahay dabeecad u qaas ah oo isaga ku kooban wuxuu kaloo leeyahay waxyaabo isaga noloshiisa qaas u ah marka aniga dabeecadeeyda ayaa ah inaan dadka u dhexgelin gudaha Private-kiisa ee wax kale ma jiraan, Deynaba ayaa tiri haa hadaan gartay adiga ayaa wax badan qarinaaya marka in lagu ogaado diidan adna sidaas ayaad dadka uga gaabsataa inaadan gudaha u sii gelin, maya arinka sidaad mooday maaha Deynaba ayuu Hassan yiri. Dhib malahan ha u bixin ayeey Deynaba tiri. Hassan ayaa wuxuu yiri waxaan rabaa inaan caawa wax ka ogaado ( EREYGA JACEEL ) hadaad wax igaga roontahay inaad ii sharaxdo,

Lasoco Qeybta 10-aad maalinta Talaadada ah insha allaah
Qore iithow