JACEELKII ASAD IYO BOQORADA (Qeybta 8-aad)

0
108

Hassan ayaa si maahsan iyaah mar keliya yiri Caasha iyo Bile inteey is eegeen ayeey qosleen Deynaba ayaa Iyana qosolka ku soo jeesatay waxeyna tiri Caashoy ma labiskaa iga qaldoon maxaad ku qososheen adiga iyo Bile, Caasha ayaa tiri maya walaaley labiskaaga iyo adiguba waad isku dheela tirantihiin maasha allaah ceeb ka saliim ayaa tahay deynaba balse waxaan ku qoslay waxaan soo xasuustay heeskii (IRI DHIIMYH ) Qeybtii aheeyd ( ELEENG HOOBI DEESHO ATHY LIKI DEYAAW IYEE HOOBA DEESHOONI MEEL EBER EH LI DEYAAW SAAS IDIING KI SEETAANG NOLOL TAASA EREE WALAA KALEEBA ASH ME EE ). Gurigii ayaa laga soo wada baxay oo gaarigii ayaa lasoo wada raacay.

Gabadhii martida aheeyd iyo reer Wiesbaden waxeey soo aadeen meeshii eey ku socdeen ee aheeyd Frankfurt, labada gabdhood waxeey fadhiyeen gadaal labada wiilna midna gaariga ayuu waday midka xigeyga wuu agfadhiyey sheekooyin ayaa leeys dhaafsanaayey sidii ayeey ku tageen Maqaayadii ey u socdeen in ey kasoo qadeeyaan waxaa loo sii celiyey hal miis oo aad loo sharaxay midkaas oo ahaa codsi uu sameeyey Hassan balse sadexdooda kale ma ogeeyn arinka miiska waxaa ku fidsanaa maro cadaan ah waxaa lagu qurxiyey ubaxyo casaan ahaa una muuqday in loogu talagalay laba ruux oo aad isu jecel ineey fariistaan ama laba Honeymoon ku jira ineey u soo qado tagaan, Caasha ayaa sida caadada aheeyd kaftankeedi tuuratay iyadoo leh miiskaan kuma qurxooneen Afar ruux ee wuxuu ku qurxoonaa labo dhidabada ineey u taagan jaceel ugub ah ku heshiiyey iyagoo ka munaaqashoonaaya waxyaabo badan oo iney ku heshiiyaan u baahan waxeey sii raacisay qosol iyo dhameestir hadal haye Xabiibi Bille soo sax ma ahan? Bille ayaa ugu jawaabay mindida afka badan leh ka leexi dadka weligaaba mindi ayuunbaad sidataaye, Hassan ayaa yiri Bille Caasha waa gabar qalbi nadiif ah waxeeyna ka hadashaa wixii qalbigeeda ku jiro mar walba waxeeyna kaga hadashaa si nadiif ah.

Deynaba oo qosleeysa ayaa tiri Caasha qob moos ayeey daadineeysaa ruuxi ku kufaa isageey u taala kkkkkkkkkkk. waxaa u yimid adeegihii maqaayada waxeey dalbadeen wax waliba eey u baahnaayeen, qado lagu dulsheekeeysanaayey ayeey aheeyd, hadana Hassan naftiisa iyo hawadiisa waxeey ku jireen moowjado badan oo sheeko qurxoon iyo muran badani ka buuxo sidaas si lamid ah Deynabana la mid beey aheeyd, markeey qadadoodii dhameesteen waxeey u dhaqaaqeen dhankii magaalada waxeey bilaabeen socod laba iyo laba isu bedelay Hassan wuxuu ahaa ruux aamus badan oo aan sidaa u hadlin balse Deynaba waxeey aheeyd Gabar sheeko iyo qosol badan oo farxaanad ah waxeey kaftan iyo sheeko ka baadi goobeeysay Hassan oo markiisi horeba ahaa ruux aamusan hadana waxaa soo kordhay arin cusub oo baqdin ku abuurta qof waliba eey ku cusubyihiin, hadba sidii sheeko iyo qosol la isugu dhaafsanayey socodka dhexdiisa inta istaajisay Hassan Deynaba ayey tiri Hassan meeshaan Barafuunada lagu iibiyo ayaan rabaa ee nagu leexi walaal,

waxeey galeen dukaankii Barafuunada waxeey ka iibsatay Barafuun eey iyada u baahneed misna waxeey ku tiri isaga waxaan rabaa wiil aad iigu qaali ah inaan u iibiyo barafuun hadana ma garanaayo barafuunada eey raga isticmaalaan ee Hassan waxaan jeclaan lahaa mid dooqaaga ah inaad ii bixiso walaal,

Hassan ayaa yiri Raga waa kala dooq qof waliba caraf gaar ah ayuu jecelyahay marka sideen kuugu xulaa mase garaneeysaa barafuunada uu isticmaalo qofkaasi ma kuwa xoog badan baa mise waa kuwa khafiif ah caraftooda, markaas ayeey ku tiri waxa aad adiga u doorato ayaa qurxoon ee mid aad u wanaagsan u door pls,

Hassan sidii ayuu mid ugu soo xulay, balse niyada waxa uu iska lahaa aleeylehe falaarahan ku gaaray ee xaga hoose kuugu sii socda waa inaad joojisa oo aad iska soo saartaa ileeyn hadiyad ayaaba la iibinayaaye, socodkoodii iyo tamashlihii ayaa uga dhamaaday Frankfurt waxeey u laabteen magaaladii eey ka yimaaden, waxaa la tegey gurigii Bille iyo Caasha,

Hassan wuxuu codsaday in la fasaxo si uu gurigiisa u aado, ogolaashihii ka dib Hassan wuxuu yimid gurigiisa qadar saacad iyo bar ka dib waxaa u soo dhacay Telefoon markii uu qabtay wuxuu ahaa cod gabdheed salaan kadib waxeey tiri waa aniga Hassan Deynaba qofta kula hadleeysa wuxuu yiri waan gartay codkaaga Deynaba walaasheeyda soo dhowoow, waxeey tiri waad iska soo carartay durba adigoon wax yar xitaa nala joogin oo aadan noo sheekeeynin. Hassan ayaa ku yiri waa runtaa Deynaba walaasheyda balse waan daalanaa berina aroortii hore ayaa shaqo leyga rabaa marka waxaan is iri dhaqso seexo. Ok dhib malahan aboowe waan garan karaa ayeey ku tiri ee mida kale inaad gurigaaga nabad ku tagtay ayuun baan rabay inaan ogaado. Mahadsanid abaayo ayuu Hassan ku yiri Deynaba ayaa hadana tiri Aboowe codsi maku weydiistaa hana ila yaabin inteey tiri ayeey qososhay.

Lasoco Qeybta 9-aad maalinta Sabtiga ah insha allah

Qore iithow